Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Shuruudaha Laga Rabo Musharrixiinta Dooneysa in ay Ka Mid Noqdaan Golaha Wakiillada Maamulka Waqooyi Bari (2025–2030)

Shuruudaha Laga Rabo Musharrixiinta Dooneysa in ay Ka Mid Noqdaan Golaha Wakiillada Maamulka Waqooyi Bari (2025–2030)

Guddiga dhismaha Maamulka Waqooyi Bari ayaa si rasmi ah u shaaciyay shuruudaha looga baahan yahay musharrixiinta u tartamaya kuraasta Golaha Wakiillada ee maamulkaas, kuwaas oo lagu wado in ay qabsoomaan inta lagu jiro muddo-xileedka 2025 illaa 2030.

Warbixinta guddiga ayaa sidoo kale faahfaahisay beelaha leh kuraasta, habraaca doorashada, iyo shuruudaha laga doonayo musharrixiinta.

Sida ku cad shuruudaha la shaaciyay:

Musharraxa ragga ah waxaa laga rabaa in uu bixiyo lacag dhan $500.

Musharraxa dumarka ah, si kor loogu qaado matalaadda haweenka, waxaa laga qaadi doonaa kala bar lacagtaas, oo ah $250, iyadoo sidoo kale la tilmaamay in hal kursi oo kasta oo saddex kursi beel ay hesho laga siiyo haweeney.

Shuruudahan ayaa qayb ka ah dadaallada socda ee lagu dhisayo Maamulka Waqooyi Bari, waxaana la sheegay in muddo-xileedka rasmiga ah ee maamulka cusub uu noqon doono shan sano, oo ka bilaabanaya sanadka 2025 kuna eg 2030, sida uu xaqiijiyay guddiga farsamada ee hawshan wado.

Liiska shuruudaha musharrixiinta oo dhammeystiran ayaa si buuxda loo soo bandhigay, waxaana la gaarsiiyay bulshada iyo daneeyayaasha.