Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Dadaalo looga Hortago Mooshin ka dhan ah xukumada Xamse oo isa soo taraya.

Dadaalo looga Hortago Mooshin ka dhan ah xukumada Xamse oo isa soo taraya.

Wasiirro Aan Xildhibaanno Ahayn oo Loo Diray Qancinta Baarlamaanka si Looga Hortago Mooshinka Ka Dhanka ah Xukuumadda Xamse Barre

Iyada oo wararka ku saabsan mooshin culus oo laga wado Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ay si isa soo taraysa u xoogeysanayaan, ilo siyaasadeed ayaa xaqiijiyay in tallaabooyin abaabul siyaasadeed la bilaabay si mooshinka loo fashiliyo.

Sida xog la helay ay sheegtay, wasiirrada aan ka tirsaneyn Golaha Shacabka ayaa si rasmi ah loogu wargeliyay in ay la xiriiraan oo ay ku qanciyaan xildhibaannada ka soo jeeda beelaha ay wadaagaan, si ay codkooda ugu taageeraan difaaca Xukuumadda.

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid ka mid ah xeeladaha lagu yareynayo khatarta mooshinka, iyadoo mucaaradka ay iyaguna wadaan olole siyaasadeed oo ay ku mideynayaan xildhibaannada kasoo horjeeda dowladda.

Go’aanka lagu diray wasiirrada ayaa muujinaya heerka cadaadiska iyo xiisadda siyaasadeed ee hadda ka dhex aloosan hay’adaha dowliga ah, gaar ahaan fulinta iyo sharci-dejinta, iyadoo loolanka awoodda uu sii xoogeystay maalmihii u dambeeyay.