Arbaco, 25 Nofembar 2026
Ciyaaraha

Barcelona iyo Villarreal oo La Liga Kulan Rasmi ah ku Ciyaaraya Miami, USA

Barcelona iyo Villarreal oo La Liga Kulan Rasmi ah ku Ciyaaraya Miami, USA

Barcelona ayaa la filayaa inay kasbato €5-6 milyan kadib markii la xaqiijiyay inay la ciyaarayso Villarreal kulan ka tirsan La Liga, 20-ka Diseembar 2025, magaalada Miami, sida ay warisay RAC1.

Xiriirka Kubadda Cagta Spain ayaa oggolaaday in kulanka lagu qabto Hard Rock Stadium, balse waxa uu weli sugayaa oggolaanshaha UEFA iyo FIFA.

Villarreal ayaa heli doonta magdhow ka badan Barcelona si loogu beddelo khasaaraha ka imaanaya iibka tigidhada garoonkooda.

Kulankan wuxuu noqonayaa isku daygii ugu horreeyay ee La Liga ay ku qabato kulan rasmi ah gudaha Mareykanka tan iyo qorshihii fashilmay ee 2018.

Madaxweynaha La Liga, Javier Tebas, ayaa sheegay in arrintani ay qeyb ka tahay ballaarinta suuqyada horyaalka Spain. Haddii la ansixiyo, waxay noqon doontaa ciyaartii ugu horreysay ee horyaal Yurub ah lagu qabto gudaha USA.