Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Isku Diiwaan Geliyay Doorashada Qof iyo Cod ah

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Isku Diiwaan Geliyay Doorashada Qof iyo Cod ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah isku diiwaan geliyay doorashada qof iyo cod ah, isagoo booqday xarunta diiwaangelinta ee degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tallaabadan uga qeyb qaadanaya dadaallada socda ee loogu gogol xaarayo hirgelinta doorashooyin dadweyne oo toos ah, kuwaas oo la filayo inay dalka ka qabsoomaan mustaqbalka dhow.

Is-diiwaangelinta Madaxweynaha ayaa loo arkaa mid dhiirrigelinaysa ka-qaybgalka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee geeddi-socodka dimoqraadiyadda, iyadoo xukuumaddu ku howlan tahay hirgelinta nidaam doorasho oo casri ah oo ku saleysan codka qofka.