Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Tallaabo uu qaaday madaxweyne Xasan Sheekh oo durba ka carreysiisay mucaaradka!

Tallaabo uu qaaday madaxweyne Xasan Sheekh oo durba ka carreysiisay mucaaradka!

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir iska diiwaangaliyay, isaga oo halkaas ka qaatay kaar caddeenaya diiwaangalinta doorashada, kaas oo wada Guddiga doorashooyinka Qaranka bixiyo.


Isdiiwaangalinta maanta ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa durba abuurtay hadal hayn, iyada oo Siyaasiyiinta iyo shacabka ay siyaabo kala duwan uga falceliyeen. Qaar kood ayaa dhaliilay tallaabadaan halka qaarka kale ay ku amaaneen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.


Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka oo bartiisa Facebook uga falceliyay is diiwaan galinta Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dadaallada dowladda ee doorashada qof iyo cod ah ku tilmaamay mid ah, “Qof iyo Qori.”
Falcelinta Warsame waxaa durba ka hadlay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, isaga oo sheegay in siyaasiga doorta qori in uu la mid yahay hoggaamiye kooxeedyadii dalka soo maray.


Wasiir Fiqi oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa yiri, “Al-Shabaab baa qori dadka ugu hanjaba, codaynta dadkana qori ma bedeli karo, siyaasigii doorta inuu qori qaatana waxba kama duwanaanayo hoggaamiye kooxeed.”


Tallaabadaan uu maanta qaaday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo beegmaysa xilli mucaaradka ay diidan yihiin habka ay doorashada u waddo dowladda Soomaaliya, iyaga oo kulama kala duwan la yeeshay madaxweynaha.


Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa in ay dib markale isku arkaan mucaaradka iyo dowladda, taas oo ka dhigan kulankii labaad ee todobaadkaan gudihiis qabsooma, kullamadii u dambeeyay ayaa ku soo idlaaday natiijo la’aan taas oo bulshada hummaag galisay.


Mucaaradka iyo dowladda ayaa isku haya laba qodob oo kala ah wax ka badalka Dastuurka iyo habka loo wajahayo doorashada soo socota, waxaana muuqata soo jeedinta Mucaaradka ee ah kallaabashada cutubyada la meel mariyay balse waxa ay diidmo kala kulmeen dowladda.


Tan iyo maalintii ugu dambeysay ee bisha Ramadaan oo madaxweyne Xasan Sheekh uu ku dhawaaqay gogol, waxaa Villa Somalia ka qabsoomay afar kulan, oo u dhaxeeyay Madasha Samatabixinta Soomaaliya iyo dowladda, kuwaas oo natiijo aan ka soo bixin weli.