Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, ayaa si rasmi ah uga shaaciyay telefishinka dowladda in la dhisay Taliska Ciidanka Gantaallada ee loo yaqaan “Army Rocket Force Command”
Taliskan cusub ayaa lagu sifeeyay mid leh awood buuxda oo weerarro uga fulin kara dhanka kasta, isagoo adeegsanaya tiknoolajiyad casri ah oo horumarsan.
Shehbaz Sharif ayaa sheegay in dhismaha ciidankan cusub uu qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo awoodda difaaca dalka, si Pakistan u yeelato ciidan si buuxda uga jawaabi kara hanjabaad kasta oo kaga timaadda gudaha ama dibadda.
Taliska cusub ayaa la filayaa inuu door weyn ka ciyaaro istiraatiijiyadda milatari ee Pakistan.


