Shirkii ay yeesheen hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa kusoo dhammaaday iyada oo aan wax heshiis ah laga gaarin qodobbadii laga wadahadlayay.
Inkasta oo dood dheer ay socotay, haddana ma jirin isafgarad la gaaray. Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in hoggaamiyeyaasha mucaaradku ku heshiiyeen in ay mar kale kulmaan berrito si ay isku dayaan in ay xal u helaan khilaafaadkooda.
Si kastaba ha ahaatee, xaaladdu weli waa mid kacsan, waxaana sii xoogeysanaya kala aragti duwanaanta ka dhex taagan mucaaradka.


