Khamiis, 26 Nofembar 2026
Caalamka

Trump iyo Putin oo Jimcaha ku kulmaya saldhigga milatari ee Mareykanka ee Alaska

Trump iyo Putin oo Jimcaha ku kulmaya saldhigga milatari ee Mareykanka ee Alaska

Warbaahinta CNN ayaa werisay in laba sarkaal oo ka tirsan Aqalka Cad ay xaqiijiyeen in kulanka la filayo inuu Jimcaha dhex maro Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin lagu qaban doono Joint Base Elmendorf–Richardson, oo ah saldhig istaraatiiji ah oo ciidamada Mareykanka ku leeyihiin magaalada Anchorage ee gobolka Alaska.

Sida ay sheegtay CNN, goobta kulanka ayaa loo doortay iyadoo la eegayo arrimo amni iyo fariin siyaasadeed oo xooggan, maadaama saldhiggan uu yahay xarun muhiim u ah howlgallada difaaca Mareykanka ee gobollada Arctic iyo Pacific.

Inkasta oo ajandaha kulanka si rasmi ah aan loo shaacin, hadana falanqeeyayaasha siyaasadda caalamka ayaa saadaalinaya in labada hoggaamiye ay ka wada hadli doonaan arrimo la xiriira amniga caalamka, xiriirka Mareykanka iyo Ruushka, dagaalka Ukraine, iyo doorka NATO.

Kulankan ayaa si weyn isha loogu hayaa caalamka, waxaana laga filayaa in faahfaahin dheeraad ah la shaaciyo maalmaha soo socda.