Howard Webb oo Sheegay In La Fikirayo Balaadhinta Adeegsiga VAR
Madaxa garsoorayaasha Premier League, Howard Webb, ayaa sheegay in laga yaabo in la balaadhiyo adeegsiga Video Assistant Referee (VAR) si uu u daboolo go’aamada la xiriira kaadhadhka jaalaha ah iyo laadadka geesaha (corner-ka).
Tallaabadan ayaa imanaysa iyadoo Guddiga Caalamiga ah ee Sharciyada Kubadda Cagta (IFAB) – oo ah hay’adda dejisa xeerarka kubadda cagta – ay dib u eegis ku hayaan habka ay VAR u shaqeyso.
Hadda, VAR waxaa loo adeegsadaa kaliya dib u eegista:
Goolasha
Kaadhadhka cas ee tooska ah
Rigoorrada
Aqoonsi khaldan
Howard Webb oo la hadlay BBC Sport ayaa sheegay in khaladaadka la xiriira kaadhadhka jaalaha ah ama laadadka geesaha ay saameyn weyn ku yeelan karaan ciyaarta, sidaas darteed ay muhiim tahay in dib loo eego.
Wuxuu intaas ku daray in arrintan la eegi doono si taxadar leh, iyadoo lagala tashanayo mas’uuliyiinta kubadda cagta gudaha dalka.