Mucaaradka oo Dib Ugu Laabtay Wadahadalladii Madaxweyne Xasan Sheekh Kadib Khilaaf Dhex Galay
Hoggaamiyeyaasha mucaaradka Soomaaliya ayaa lagu qasbay inay dib ugu laabtaan gogoshii wadahadalka ee uu fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kadib markii uu khilaaf gudaha ah hareeyay mowqifkoodii mideysnaa.
Ilo xog ogaal ah oo ku dhow wadahadallada ayaa sheegay in kala qeybsanaanta gudaha mucaaradka ay wiiqday awooddii ay ku lahaayeen miiska wadahadalka, taasoo sababtay inay aqbalaan in dib loogu laabto shuruudihii Madaxweynaha.
Tallaabadan ayaa imanaysa maalmo uun kadib markii Golaha Samatabixinta Qaran uu ku dhawaaqay in wadahadalladii ugu dambeeyay ee ay la yeesheen Madaxweynaha ay guul-darreysteen. War-saxaafadeed hore oo ay soo saareen, ayay ku sheegeen burburkaasi inuu ahaa “nasiib-darro”, iyagoo mar kale muujiyay inay diyaar u yihiin inay sii wadaan wadahadalka si loo xalliyo khilaafaadka taagan.
Xiisadda siyaasadeed ee dalka ayaa cirka isku shareertay toddobaadyadii la soo dhaafay, iyadoo la isku hayo isbedellada dastuuriga ah iyo hannaanka doorashooyinka. Mucaaradku waxay ku eedeeyeen dowladda inay isku dayeyso inay si kali-talisnimo ah u maamusho geeddi-socodka siyaasadeed, halka dhinaca dowladda ay sheegtay in isbedellada la wado ay muhiim u yihiin xasilloonida qaranka.
Falanqeeyayaasha siyaasadeed ayaa sheegaya in dib ugu laabashada mucaaradka ee miiska wadahadalka ay dib u soo noolayn karto rajada heshiis laga gaaro is-mari-waaga siyaasadeed, inkastoo ay weli jiraan qodobo adag oo aan la isla meel dhigin.
Wadahadallada xiga ayaa la filayaa inay ka dhacaan magaalada Muqdisho maalmaha soo socda.