Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Mucaaradka oo Ku Kala Tegay Shirkii Hoteel Jazeera – Qaar Ka Mid Ah Oo Saxaafadda Ka Dhuumanaya

Mucaaradka oo Ku Kala Tegay Shirkii Hoteel Jazeera – Qaar Ka Mid Ah Oo Saxaafadda Ka Dhuumanaya

Wararka laga helayo ayaa sheegaya in uu fashil kusoo dhamaaday shir ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah mucaaradka siyaasadda dalka, kaasoo ka dhacay Hoteel Jazeera.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in shirku uu ku dhammaaday is-faham waa, taasoo keentay in xubno badan oo mucaaradka ka tirsan ay si deg-deg ah uga tagaan hoolkii shirka, qaarkoodna ay kasoo baxeen iyagoo aan la hadlin warbaahinta kana dhuumanaya saxaafadda.

Inkasta oo aan si rasmi ah loo ogeyn sababta keentay kala-tebashada mucaaradka, haddana ilo-wareedyo ku dhow dhow shirka ayaa sheegay in khilaaf xooggan uu ka dhashay arrimo la xiriira hoggaan iyo aragtida la isku mari waayay ee ku saabsan habka loo wajaho doorashooyinka soo socda iyo mowqifyada siyaasadeed ee laga qabo dowladda dhexe.

War-saxaafadeed kama soo bixin ilaa hadda dhinacyada kala tegay, balse la-taliyeyaal siyaasadeed iyo falanqeeyayaal ayaa sheegaya in arrintani ay muujinayso kala-jab weyn oo ka dhex muuqda mucaaradka, xilli dalku wajahayo xaalado siyaasadeed oo hubanti la’aan ah.

Warar dheeraad ah iyo faahfaahin wixii kasoo kordha shirkaas kala jabay kala soco wararkeena dambe.