Liverpool Oo Guul Cajiib Ah Ku Bilaabatay Difaacashada Premier League – Ekitike, Salah, Chiesa & Gakpo Oo Gantaalo Ka Riday Anfield
Kooxda Liverpool ayaa si xoogan ugu bilaabatay difaacashada horyaalka Premier League kadib markii ay 4-2 ku garaacday kooxda Bournemouth ciyaartii furitaanka xilli ciyaareedka cusub ee ka dhacday garoonka Anfield.
Goolasha ay kala dhaliyeen Hugo Ekitike, Mohamed Salah, Federico Chiesa, iyo Cody Gakpo ayaa Reds ka caawiyay inay helaan saddex dhibcood oo qaali ah, isla markaana muujinayaan inay si dhab ah ugu diyaar garoobeen difaacashada horyaalka ay xilli ciyaareedkii hore ku guuleysteen.
Xaqiiqooyin Laga Diiwaangeliyay Kulanka:
Taariikh Sameyn Cusub oo Ay Liverpool Sameysay
Marka laga reebo xilli ciyaareedkii ugu horreeyay ee Premier League 1992-93, Liverpool ayaa noqotay kooxdii ugu horreysay ee difaacanaysa horyaalka oo shaxdeeda ku bilowda afar saxiix oo cusub – kuwaasoo kala ah Kerkez, Frimpong, Wirtz, iyo Ekitike.
Ekitike Oo Ku Biiray Xiddigaha Taariikhda Sameeyay
Hugo Ekitike ayaa noqday ciyaaryahankii labaad ee laba gool dhaliya mid kalena caawiya kulankiisii ugu horreeyay ee Premier League ee Liverpool – isagoo la mid noqday Darwin Núñez, oo isla sidaas oo kale sameeyay kulankii Fulham bishii August 2022.
Mohamed Salah: Boqorka Furitaanka Premier League
Salah ayaa hadda haysta rikoor cajiib ah oo ah inuu yahay ciyaaryahanka ugu sareeya ee goolal (10) iyo caawin (5) isku darka 15 – taasoo ka dhigeysa inuu yahay laacibka ugu waxqabadka badan kulanka furitaanka ee taariikhda Premier League.
Chiesa Oo Dhaliyay Gool Taariikhi Ah
Federico Chiesa, oo ahaa saxiixa cusub ee Reds, ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horreeyay ee Premier League daqiiqaddii 87:46 – kaasoo noqday goolkii ugu dambeeyay ee koox Premier League ah dhaliso kulankeedii ugu horreeyay tan iyo Diego Costa oo Chelsea u dhaliyay gool daqiiqaddii 88:43 kulankii ay la ciyaareen West Ham xilli ciyaareedkii 2016-17.
Liverpool ayaa muujisay awood weerar oo aan la iska indho tiri karin, inkastoo tababare Arne Slot uu horey uga digay nuglaanta difaaca. Si kastaba, guushan ayaa fariin cad u dirtay kooxaha kale ee horyaalka in Liverpool ay diyaar u tahay dagaalka koobka mar kale.