Muqdisho oo Martigelinaysa Doorasho Taariikhi ah 30-ka October 2025
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa ku dhawaaqay in shacabka Muqdisho ay u dareeri doonaan doorashooyinka Golaha Deegaanka iyo Duqa Magaalada maalinta 30-ka October 2025, taasoo noqonaysa doorashadii ugu horreysay ee shacabka si toos ah ugu doortaan hoggaanka magaalada.
In ka badan hal milyan oo qof ayaa is-diiwaangeliyay si ay codkooda u dhiibtaan, waxaana liiska kama dambaysta ah la shaacin doonaa 27-ka October.
Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in diyaar garowgu si habsami leh u socdo, oo ay ku jiraan: qeybinta kaararka codbixinta, tababaridda shaqaalaha doorashada, iyo isku-duwidda laamaha amniga si loo sugo xasilloonida.
Doorashadan ayaa loo arkaa tallaabo weyn oo horey loogu qaaday dimoqraadiyeynta iyo maamulka hoose ee caasimadda Soomaaliya.