Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Odayaasha Dhaqanka Hawiye oo Jawaab Adag Ka Bixiyay Hadalladii Madaxweynayaashii Hore

Odayaasha Dhaqanka Hawiye oo Jawaab Adag Ka Bixiyay Hadalladii Madaxweynayaashii Hore

 Odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye ayaa si kulul uga jawaabay hadallo dhawaan kasoo yeeray qaar ka mid ah madaxweynayaashii hore ee dalka, kuwaas oo si gaar ah u dhaliilay siyaasadda iyo hoggaanka Madaxweynaha hadda talada haya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah odayaasha ugu magaca dheer beesha Hawiye, ayaa sheegay in madaxweynayaashii hore ay geysteen gabood-fallo ka daran kuwa lagu eedeeyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuu tilmaamay in dadka Soomaaliyeed aysan hilmaamin dhibkii soo maray xilligii hore, isla markaana ay muhiim tahay in la eego taariikhda si caddaalad loo helo.

Dhanka kale,Ugaas Cumar Xiirey oo isna ka mid ah isimada dhaqanka, ayaa si cad u sheegay in Xasan Sheekh uusan reer Jubbaland ku maquunin karin xoog, waa inuu sidaa fahmaa.

Ugaasku wuxuu muujiyay in wada-hadal iyo is-qaddarin lagu xallin karo khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, gaar ahaan Jubbaland.

Odayaasha dhaqanka Hawiye ayaa sidoo kale ku baaqay in la dhowro midnimada ummadda Soomaaliyeed, lana joojiyo hadallada kicinaya colaadda iyo kala-qaybsanaanta.

Waxay ugu baaqeen madaxda dalka in ay is ixtiraamaan oo ay u tanaasulaan danaha shacabka.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli uu cirka isku shareeray muranka siyaasadeed ee u dhexeeya madaxda dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah madaxda hore ee dalka, taas oo abuuraysa walaac laga qabo xasilloonida siyaasadeed ee dalka.