Alexander Isak oo ka careysan Newcastle kadib markii la diiday dalabkii Liverpool
Weeraryahanka reer Sweden Alexander Isak ayaa si weyn uga carooday kooxdiisa Newcastle United, kaddib markii ay diideen dalab dhan £110 milyan oo ka yimid Liverpool, xilli uu si joogto ah loola xiriirinayo inuu u wareegayo Anfield.
Isak, oo 25 jir ah, ayaa bayaan rasmi ah ku sheegay in Newcastle ay jebisay ballanqaadyo ay hore ugu sameeyeen, taasoo sii hurisay rabitaankiisa ah inuu ka tago kooxda.
Warbixin uu qoray Daily Mail ayaa sheegtay in Isak uu rumeysnaa in haddii koox keento dalab ka badan £100 milyan, loo ogolaan doono inuu baxo. Balse Newcastle ayaa hadda ku qiimeyneysa ugu yaraan £150 milyan.
Waxaa la filayaa in Liverpool ay dib u eegto qorshaheeda, iyadoo suuqa kala iibsiga uu xirayo 1-da September.