Mustaqbalka Nkunku oo Hortaagan Saxiixa Xavi Simons ee Chelsea
Chelsea ayaa wajahaysa caqabad suuqa kala iibsiga ah kadib markii mustaqbalka Christopher Nkunku uu hor istaagay qorshihii lagu keenilahaa Xavi Simons oo ka tirsan RB Leipzig, sida ay sheegtay RMC Sport.
Nkunku, oo aan qayb ka ahayn qorshayaasha tababare Enzo Maresca xilli ciyaareedkan, ayaa xiiso ka helaya Bayern Munich oo doonaysa amaah. Si kastaba, Chelsea waxay rabtaa in Nkunku uu si rasmi ah uga tago kooxda, taasoo xaaladda ka dhigtay mid adag.
Xavi Simons ayaa la sheegay inuu hore ula gaaray Chelsea heshiis afka ah, balse mustaqbalka Nkunku ayaa haatan noqday caqabad weyn oo dib u dhigtay saxiixa da’yarka reer Holland.