Guddiga Doorashooyinka Oo Dib U Furay Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda Muddo Labo Todobaad Ah
Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa ku dhawaaqay in dib loo furay diiwaangelinta Ururrada Siyaasadeed, taas oo socon doonta muddo labo todobaad ah oo ka bilaabaneysa 23-ka Agoosto 2025 ilaa 6-da Sebteembar 2025.
Ku-simaha Guddoomiyaha Guddiga iyo Guddoomiyaha Guddi Hoosaadka Howlgalka Doorashooyinka, Maxamed Amiin Xasan Cabdullahi, ayaa sheegay in fursaddan la siiyay ururradii horey u qaatay diiwaangelinta wajigii hore balse aan dhameystirin, si ay uga faa’iideystaan mar kale.
Ujeedka dib-u-furista ayaa lagu sheegay in ay tahay si muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ugu biiraan ururrada siyaasadeed, isla markaana ururradii hore u xirmay ay fursad kale helaan. Warar hoose ayaa tilmaamaya in tallaabadan ay timid kadib markii xubno ka baxay Madasha Samatabixinta ay muujiyeen qorshe ay ku dhisayaan xisbi siyaasadeed cusub.
Guddiga Doorashooyinka ayaa horay waqti dheeri ah ugu daray diiwaangelinta dadweynaha magaalada Muqdisho, hase yeeshee waqtigaasi hadda waa xirmay, mana cadda in dib mar kale loo furi doono.