Amorim:”United waxay lumisay diiradda ciyaarta Fulham”
Tababaraha Manchester United, Ruben Amorim, ayaa sheegay in kooxdiisu ay lumisay diiradda ciyaarta kaddib markii ay barbaro 1-1 ah la galeen Fulham Axadii.
Leny Yoro ayaa dhaliyay goolka furitaanka, halka Emile Smith Rowe uu Fulham u keenay barbardhac. Bruno Fernandes ayaa rigooro khasaariyay.
Amorim wuxuu sheegay in ciyaartoydu ay bilaabeen inay si xad dhaaf ah u fekeraan natiijada halkii ay diiradda saari lahaayeen qaab ciyaareedka, taas oo keentay inay lumiyaan maamulka ciyaarta.