Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Saadaq John oo mar kale loo dhaariyey Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka

Saadaq John oo mar kale loo dhaariyey Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ee Golaha Shacabka oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.

Kulanka waxaa goob ahaa Habdhowraha Golaha Shacabka, kuxigeenkiisa iyo xubnaha kale ee guddiga

Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) uu kulanka ku dhaariyay Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan oo dhowaan lagu soo doortay Magaaladda Dhuusamareeb.