Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka wada hadlay xoojinta xiriirkooda

Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka wada hadlay xoojinta xiriirkooda

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,  Jibriil Cabdirashiid Cabdi, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya, Suleymaan Dedefo Woshe.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Qoraal uu soo saaray Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen sidii loo sii wadi lahaa iskaashiga iyo xiriirka soo jireenka ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Kulanka ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan Safiirka iska fogeeyay in ciidankooda ay ku lug lahaayeen dagaalkii dhawaan ka dhacay degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Safiirka wuxuu sheegay sheegay in ay billaabi doonaan baaritaanno la xiriira dhacdadii ka dhacday magaalada Doolow, isla markaasna aan la aqbali karin xiisad laga dhex abuuro Dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Ciidanka Itoobiya ayaa dhowr jeer lagu eedeyay in ay ku lug leeyihiin dhaqdhaaqyada ka soo horjeeda dowladda Federaalka ee ka socda gobolka Gedo, isla markaasna ay taageerayaan Maamulka Jubbaland.