Tababaraha Man United Ruben Amorim oo Raalli-gelin Bixiyay Kadib Guuldarro Ka Soo Gaartay Grimsby Town
Tababaraha Manchester United, Ruben Amorim, ayaa taageerayaasha ka raalli-geliyay kaddib markii kooxdiisa si lama filaan ah looga ciribtiray tartanka League Cup, kaddib guuldarro rigoorayaal ah oo ay kala kulmeen Grimsby Town – koox ka tirsan heerka afaraad.
Labada koox ayaa 2-2 ku kala baxay waqtiga caadiga ah ee ciyaarta Arbacadii, taasoo ka dhacday garoonka Grimsby.
Amorim oo la hadlay Sky Sports ayaa qirtay in kooxdiisu ay ciyaarta ku gashay jahawareer iyo diirad la’aan. Wuxuu yiri: “Waan ka xumahay taageerayaasha.
Ma garanayo sababta aan ciyaarta si fiican ugu gelin. Taageerayaashu waxay na siiyeen garab weyn, mana aysan istaahilin natiijadan.”
Tababaruhu wuxuu kaloo sheegay in guuldarradu aysan kaliya saarneyn garsooraha ama goolhayaha: “Marka aad ka dhacdo koox heerka afaraad ah, qof kali ah mas’uul kama noqon karo – dhammaanteen ayaa qeyb ka ah.”
Ugu dambeyn, Amorim wuxuu sheegay in kooxda ay ka shaqeyn doonto hagaajinta khaladaadkii dhacay, isagoo sheegay in kulan kale uu sugayo dhammaadka usbuuca, ka hor intaanay gelin fasax.