Shiinaha oo Qabanaya Dhoolatuskii Milatari ee Ugu Weyn Taariikhdiisa 3-da Sebtember
Shiinaha ayaa 3-da bisha Sebtember qaban doona dhoolatuskii milatari ee ugu weynaa abid, si uu u xuso 80 sano guushii uu ka gaaray Japan sanadkii 1945, taas oo calaamad u ahayd dhammaadkii Dagaalkii Labaad ee Adduunka iyo xorriyaddii casriga ahayd ee Shiinaha.
Dhoolatuska ayaa lagu qaban doonaa bartamaha magaalada Beijing, gaar ahaan waddada Chang’an iyo Tiananmen Square, oo ah astaamo muujinaya awoodda iyo qarannimada Shiinaha.
Qodobada Muhiimka ah ee Dhoolatuska:
Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, oo sidoo kale ah xoghayaha guud ee Xisbiga Shuuciga iyo guddoomiyaha guddiga dhexe ee militariga, ayaa khudbad rasmi ah ka jeedin doona munaasabadda.
Waxaa la soo bandhigi doonaa awoodda milatari ee sii kobcaysa ee Shiinaha, oo ay ka mid yihiin gantaallo xawaare sare leh (hypersonic missiles), nidaamyada difaaca cirka, diyaaradaha dagaalka iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone).
Shiinaha ayaa sidoo kale soo bandhigi doona kartidiisa ku aaddan dagaalka elektaroonigga ah, nidaamyada digniinta hore, hababka isgaarsiinta iyo hoggaaminta dagaalka, iyo ilaalinta hawada ee ka dhanka ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Hawada magaalada Beijing ayaa la xiri doonaa muddo 3 saacadood ah (laga bilaabo 9:30 subaxnimo ilaa 12:30 duhurnimo), iyadoo garoomada diyaaradaha ay sidoo kale xirmi doonaan inta lagu jiro waqtigaas.
Ka Qaybgalka Caalamiga ah:
Hoggaamiyeyaasha dhowr dal oo xulafo la ah Shiinaha ayaa la filayaa inay ka soo qaybgalaan, kuwaasoo ay ka mid yihiin:
Vladimir Putin (Madaxweynaha Ruushka),
Kim Jong Un (Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya),
Madaxweynaha Iiraan,
Ra’iisul Wasaaraha Pakistan,
Ra’iisul Wasaaraha Malaysia, iyo hoggaamiyeyaal kale.
Dhoolatuska ayaa noqonaya goob ay si weyn uga muuqanayaan madaxda dalalka bari, iyadoo aan la filaynin ka qaybgalkooda hoggaamiyeyaasha reer galbeedka, taas oo muujinaysa isbeddelka saaxiibtinnimada caalamiga ah iyo xiriirka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Shiinaha iyo waddamada aan reer galbeedka ahayn.
Tani waa markii labaad ee dhoolatus noocan ah la qabto, iyadoo kii ugu horreeyay la qabtay sanadkii 2015, hase yeeshee midkan 2025-ka ayaa la filayaa inuu noqdo kan ugu weyn uguna saameynta badan ee Shiinaha abid qabto.