Gary Neville oo Ku Adkaystay In Arsenal Ay Horyaalka Premier League Ku Guuleysan Doonto Xilli Ciyaareedkan
Gary Neville weli wuxuu aaminsan yahay in Arsenal ay ku guuleysan doonto horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, inkastoo ay 1-0 kaga badatay Liverpool Axaddii.
Arsenal ayaa saddex xilli ciyaareed oo xiriir ah ku soo dhamaatay kaalinta labaad, mana aysan ku guuleysan Premier League tan iyo 2004.
Neville ayaa horey u saadaaliyay in Arsenal ay horyaalka qaadi doonto markii uu bilowday xilli ciyaareedkan, wuxuuna xaqiijiyay in guuldarrada ka soo gaartay Liverpool aysan beddelin fikraddiisa.
Liverpool ayaa xilli ciyaareedkii hore horyaalka ku guuleysatay, iyagoo 10 dhibcood ka sareeyay Arsenal oo kaalinta labaad gashay.
Haddaba, xilli ciyaareedkan Liverpool ayaa hoggaanka horyaalka haya iyagoo leh 9 dhibcood, Arsenal-na waxay ku jirtaa kaalinta saddexaad iyadoo haysata labo guul iyo hal guuldarro.
Gary Neville ayaa yiri: “Anigu hore ayaan u saadaaliyay inay horyaalka qaadi doonaan, waana taas weli aaminsanahay. Maya, fikirkayga kama noqonayo!”