Rabiot oo Ku Biiraya Milan, Sancho Mustaqbalkiisa oo Mugdi ku Jira, Lindelöf oo Kusoo Laabanaya Premier League & Chelsea oo Joojisay Amaahdii Jackson
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer France Adrien Rabiot ayaa la xaqiijiyay inuu ku biirayo kooxda AC Milan heshiis afar sano ah, sida uu sheegay wariyaha caanka ah Fabrizio Romano. Rabiot ayaa la filayaa inuu berri marayo tijaabada caafimaadka ka hor inta uusan saxiixin qandaraaska rasmi ah.
Mustaqbalka Jadon Sancho weli lama hubin:
Wadahadallada u dhexeeya Aston Villa iyo Manchester United ayaa weli socda si ay uga heshiiyaan Jadon Sancho.
Sancho ayaa la filayaa inuu maanta go’aan ka gaaro mustaqbalkiisa, iyadoo suurtagal ay tahay inuu u wareego koox ka baxsan qaaradda Yurub haddii heshiis lala gaarin.
Victor Lindelöf oo ku soo laabanaya Premier League:
Daafacii hore ee Manchester United Victor Lindelöf ayaa ku dhow inuu si xor ah ugu biiro kooxda Aston Villa.
Ciyaaryahanka 30-jirka ah ayaa la filayaa inuu saacadaha soo socda marayo tijaabada caafimaadka, kadibna saxiixo heshiis laba sano ah oo leh ikhtiyaar lagu kordhin karo sanad saddexaad.
Chelsea oo joojisay amaahdii Nicolas Jackson ee Bayern Munich:
Weeraryahanka Chelsea Nicolas Jackson ayaa qarka u saarnaa inuu amaah ugu biiro Bayern Munich xilli ciyaareedka 2025/26, laakiin kooxda Chelsea ayaa ka noqotay qorshahaas kadib markii weeraryahankooda cusub Liam Delap uu dhaawac halis ah ku soo gaaray kulankii Fulham. Bayern ayaa diyaar u ahayd inay Jackson ku bixiso 15 milyan oo euro amaah ahaan, iyadoo heshiiska lagu daray ikhtiyaar lagu iibsan karo ku dhawaad 65 milyan euro.