Miyuu Ku Faraxsanyahya Alexander Isak Ku Biirista Liverpool?
Weeraryahanka cusub ee Liverpool, Alexander Isak, ayaa muujiyay farxaddiisa kaddib markii uu si rasmi ah ugu soo biiray kooxda, isagoo ku tilmaamay Anfield iyo taariikhda Liverpool inay yihiin “meesha ugu fiican” ee uu ka bilaabi karo marxaladda xigta ee xirfadiisa.
Isak ayaa sheegay:
“Waxaan rabaa inaan halkaan ku abuuro taariikh oo aan ku guuleysto koobab. Waa meesha ugu habboon ee aan ku horumariyo ciyaartayda.”
Wuxuu sidoo kale cadeeyay inuu aad ugu faraxsan yahay fursaddan cusub, kuna dhiirran yahay inuu wax weyn ku soo kordhiyo Liverpool.
Isak ayaa xiran doona lambarka 9-aad, waxaana saxiixiisa (£125m) uu noqday kan ugu qaalisan ee abid lagu iibsado weeraryahan taariikhda Premier League.