Khamiis, 26 Nofembar 2026
Ciyaaraha

Xagee ayuu marayaa Saxiixa  Man United ee Goolhaye Senne Lammens

Xagee ayuu marayaa Saxiixa  Man United ee Goolhaye Senne Lammens

Manchester United ayaa dhammeystirtay saxiixa goolhayaha reer Belgium Senne Lammens oo ay £18m kaga soo qaateen Royal Antwerp, isaga oo saxiixay heshiis shan sano ah.

Lammens, oo 23 jir ah, ayaa la keenay si loo xoojiyo booska goolhayaha kadib markii Andre Onana iyo Altay Bayindir ay xilli ciyaareedka ku bilaabeen qaab aan degganayn.

Inkasta oo United ay xiiso u qabtay Emiliano Martínez (Aston Villa), haddana waxay doorteen Lammens maalinta ugu dambeysa ee suuqa.

Gary Neville ayaa sheegay in Lammens uu haatan yahay goolhaye labaad (No.2) sida ay sheegayaan ilo ku dhow kooxda, taasoo ka dhigan inuu keydka ku bilaaban doono.

Tababaraha cusub Ruben Amorim wali go’aan kama gaarin goolhayaha koowaad ee xilli ciyaareedka 2025/26, iyadoo ay weli tartan u dhexeeyo Onana iyo Bayindir.

Inkasta oo Lammens uu 63 kulan u saftay Antwerp, haddana weli kama uusan ciyaarin kulankiisii ugu horreeyay ee xulka Belgium, isagoo weli ka dambeeya Thibaut Courtois.