Arbaco, 25 Nofembar 2026
Ciyaaraha

Ciyaaraha Premier League: Xiliga Kala Iibsiga Xagaaga 2025 oo Rikoor Jabiyay, Liverpool oo Hogaamineysa Kharashka Suuqa

Ciyaaraha Premier League: Xiliga Kala Iibsiga Xagaaga 2025 oo Rikoor Jabiyay, Liverpool oo Hogaamineysa Kharashka Suuqa

Suuqa kala iibsiga xagaaga ee Premier League 2025 ayaa si rasmi ah u xirmay, iyadoo la gaaray rikoor rasmi ah oo ku saabsan kharashka guud ee la bixiyay oo dhan £3.13 bilyan, iyo iibka ciyaartoy oo gaaray qiyaastii £1.71 bilyan.

Liverpool ayaa noqotay kooxda ugu kharashka badan suuqa, iyadoo gelisay £442 milyan, waxaana taariikh lagu qoray markii ay Alexander Isak kaga soo iibsadeen Newcastle United qiimo dhan £125 milyan oo noqday saxiixooda ugu qaalisan abid.

Chelsea ayaa kaalinta labaad gashay iyadoo ku bixisay £276.1 milyan, Arsenal ayaa kaalinta saddexaad ku jirta oo bixisay £263 milyan, halka Newcastle United iyo Manchester United ay kala galeen kaalmaha afraad iyo shanaad, iyagoo kharash gareeyay £252.6 milyan iyo £282.6 milyan siday u kala horreeyaan.

Tottenham Hotspur waxay kaalinta toddobaad ku jirtay iyadoo gelisay £174.3 milyan suuqa, Manchester City-na waxay ku dhammeysatay kaalinta sagaalaad oo kharashkeedu ahaa £149.6 milyan.

Xagaagan ayaa mar kale muujiyay sida ay kooxaha Premier League ugu tartamayaan saxiixyada ciyaartoyda caalamiga ah, waxaana suuqa Ingiriisku weli yahay midka ugu dhaqaalaha badan kubadda cagta ee dunida.