Arbaco, 25 Nofembar 2026
Ciyaaraha

Casemiro Oo Diiday Al-Nassr, Isagoo Doortay Inuu Sii Joogo Manchester United Sababo La Xariira Koobka Adduunka 2026

Casemiro Oo Diiday Al-Nassr, Isagoo Doortay Inuu Sii Joogo Manchester United Sababo La Xariira Koobka Adduunka 2026

Xiddiga khadka dhexe ee Manchester United, Casemiro, ayaa go’aansaday inuu sii joogo Old Trafford halkii uu ku biiri lahaa kooxda Sacuudiga ee Al-Nassr, iyadoo Koobka Adduunka 2026 uu door weyn ku lahaa go’aankiisa.

Ciyaaryahanka reer Brazil ee 33-jirka ah ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay nolosha uu ku leeyahay United, halkaas oo uu aaminsan yahay inuu heli doono fursadda ugu wanaagsan ee uu ku sii wato matalaadda xulka qarankiisa.

Casemiro waxa uu weli haystaa kalsoonida tababaraha cusub ee Brazil, Carlo Ancelotti, oo hore ula soo shaqeeyay xilli ay wada joogeen Real Madrid.

Casemiro ayaa tan iyo 2011 u ciyaaray Brazil 77 jeer, wuxuuna dib ugu soo laabtay xulka markii Ancelotti la wareegay xilka Selecao horraantii sanadkan. Brazil oo leh 5 koob oo adduunka ah, ayaa rajeynaysa in Ancelotti – oo ah tababare guulo badan leh – uu ku hogaamin karo guul cusub tartanka ay martigelinayaan Mareykanka, Kanada iyo Mexico 2026.

Inkastoo uu helay dalab maaliyadeed oo ballaaran oo uu kula midoobi lahaa Cristiano Ronaldo ee Al-Nassr, Casemiro ayaa doortay inuu sii ahaado qeyb ka mid ah dib-u-dhiska uu wado Ruben Amorim ee Manchester United.

Tan iyo markii uu ku soo biiray Red Devils, Casemiro wuxuu u saftay 128 kulan, isagoo dhaliyay 17 gool.