Khamiis, 26 Nofembar 2026
Ciyaaraha

Cucurella: Lamine Yamal Wuu U Qalma Ballon d’Or 2025

Cucurella: Lamine Yamal Wuu U Qalma Ballon d’Or 2025

Daafaca Chelsea iyo xulka Spain Marc Cucurella ayaa shaaciyay in ciyaaryahanka da’da yar ee Barcelona, Lamine Yamal, uu yahay musharaxa ugu habboon ee ku guuleysan kara Ballon d’Or 2025.

Cucurella ayaa amaanay xilli ciyaareedkii cajiibka ahaa ee Yamal, isagoo xusay in inkastoo uu weli da’yar yahay (18 sano jir), haddana uu leeyahay mustaqbal weyn oo u qalma abaalmarinta ugu sarreysa ee kubadda cagta.

Yamal ayaa haatan kamid ah musharrixiinta ugu sarreeya ee tartanka Ballon d’Or, isagoo la tartamaya xiddigo waaweyn sida Kylian Mbappé iyo Ousmane Dembélé. Waxaa la filayaa in guuleystaha rasmiga ah lagu dhawaaqo dabayaaqada bisha September ee magaalada Paris.