Khamiis, 26 Nofembar 2026
Ciyaaraha

Lionel Messi Weli Go’aan Kama Gaarin Ka Qeybgalka Koobka Adduunka 2026

Lionel Messi Weli Go’aan Kama Gaarin Ka Qeybgalka Koobka Adduunka 2026

Xiddiga reer Argentina Lionel Messi ayaa sheegay in uusan weli gaarin go’aanka kama dambaysta ah ee ku saabsan ka qeybgalka Koobka Adduunka 2026, inkasta oo uu weli ku jiro xaalad ciyaareed heer sare ah.

Messi, oo dhaliyay laba gool kulankii ay Argentina 3–0 uga badisay Venezuela, ayaa sheegay inuu go’aankiisa ku saleyn doono dareenkiisa, xaaladdiisa jir ahaaneed, iyo diyaar-garowgiisa xilli ciyaareedka cusub.

Xiddiga Inter Miami ayaa hoosta ka xariiqay in uu weli xiiseynayo ciyaarista, balse uu doonayo inuu u noqdo daacad naftiisa, isagoo tixgelinaya xaaladaha jireed iyo maskaxeed ee waqtigaas.

Messi ayaa sheegay in uu go’aanka kama dambaysta ah ka gaari doono kadib marka uu dhameeyo xilli ciyaareedka MLS iyo diyaar-garowga xilli ciyaareedka soo socda. Taageerayaal badan ayaa weli rajeynaya in kabtanka qaranka Argentina uu qeyb ka noqon doono Koobka Adduunka ee 2026, oo lagu qabanayo USA, Canada, iyo Mexico.