Khamiis, 26 Nofembar 2026
Caalamka

Qorshaha Israa’iil ee barakicinta Gaza marnaba ma hirgeli doono

Qorshaha Israa’iil ee barakicinta Gaza marnaba ma hirgeli doono

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Badr Abdelatty ayaa si cad u sheegay in qorshaha Israel ee lagu doonayo in shacabka reer Gaza lagu barakiciyo gudaha Masar “uusan marnaba dhici doonin.”

Abdelatty oo ka hadlayay madal dhaqameed oo ka dhacday Qaahira Sabtidii ayaa sheegay in Masar aysan aqbali doonin in Falastiiniyiinta laga saaro dhulkooda, isagoo ku adkeystay in Gaza ay tahay gurigooda dhabta ah.

Hadalkan ayaa yimid kadib markii Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Netanyahu uu toddobaadkan ku celiyay baaq uu ku doonayo in dadka Gaza loo furo dhanka Rafah, balse Masar ayaa si adag u diiday.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa ku tilmaantay hadallada Netanyahu kuwo lagu sii hurinayo colaadda, iyadoo ku celisay inay ka soo horjeedaan barakicin khasab ama ikhtiyaari ah oo lagu sameeyo shacabka Falastiin.

Sidoo kale, Masar iyo dalalka Carabta sida Imaaraadka, Qatar, Sacuudiga iyo Urdun ayaa si wadajir ah u cambaareeyay hadallada Netanyahu, iyagoo taageeray mowqifka Masar.

Masar ayaa ku baaqday in Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka ay tallaabo degdeg ah ka qaadaan ilaalinta shacabka Falastiin, isla markaana cadaadis lagu saaro Israa’iil si loo joojiyo duqeynta, gaajeynta iyo burburinta ka socota Gaza.

Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in dagaalka Israa’iil ay ku qaaday Gaza tan iyo bishii October 2023’kii uu sababay dhimashada in ka badan 64,000 Falastiiniyiin iyo dhaawaca ku dhawaad 162,000, halka boqolaal kale ay u dhinteen gaajo iyo cudur.