Rodri oo isaga baxay tartanka Ballon d’Or 2025 dhaawac dartii
Khadka dhexe ee Manchester City iyo xulka Spain Rodri, oo ahaa xiddigii ku guuleystay Ballon d’Or sanadkii hore, ayaa xaqiijiyay inuusan sanadkan tartanka ku jirin kadib markii uu dhaawac jilibka ahi ka maqnaaday inta badan xilli-ciyaareedkan.
Markii la weydiiyay cidda uu u arko inay mudan yihiin abaalmarinta, Rodri ayaa sheegay in xagga dareenka uu doorbidi lahaa Lamine Yamal ama Pedri, balse marka waxqabadka garoonka la qiimeeyo ay mudan yihiin Ousmane Dembélé ama Vitinha.
Xiddigaha PSG, gaar ahaan Dembélé, ayaa loo arkaa musharrixiinta ugu cadcad maadaama ay ku guuleysteen Champions League iyo dhammaan koobabkii gudaha France.
Dhanka kale, Barcelona oo ay hoggaaminayaan Lamine iyo Pedri, waxay qaadeen saddexleyda Spain, hase yeeshee guusha Yurub ayaa PSG ka dhigaysa kuwo saadaal fiican leh.
Xafladda abaalmarinta Ballon d’Or ayaa lagu qaban doonaa 22-ka Sebtembar.