Chelsea Oo Heshay War Wanaagsan Ka Hor Soo Laabashada Premier League
Chelsea ayaa heshay war farxad leh ka hor inta aysan dib ugu laaban garoomada kaddib fasaxa ciyaaraha caalamiga ah, iyadoo laba ka mid ah ciyaartoydii dhaawaca ku maqnaa ay ku soo laabteen tababarka buuxa.
Sawirro ay soo bandhigtay kooxda ayaa muujiyay Benoit Badiashile iyo Romeo Lavia oo tababar la qaadanaya saaxiibadood, taasoo sare u qaadaysa rajada kooxda ka hor kulamada soo socda.
Inkasta oo Cole Palmer uusan weli soo laaban, tababare Enzo Maresca ayaa ku faraxsan horumarka labada ciyaaryahan ee dhaawaca ka soo kabsaday, kuwaas oo u dhow inay ciyaaraan kulankoodii ugu horreeyay ee xilli ciyaareedkan.
Chelsea ayaa hore u heshay 7 dhibcood seddexdii kulan ee ugu horreeyay Premier League, inkastoo ay wajahayeen caqabado dhaawacyo ah.