Soomaaliya Oo Hoggaamineysa Liiska Dalalka Laga Reebay Koobka Adduunka Ee 2026
In ka badan 80 dal ayaa ku fashilmay inay u soo baxaan Koobka Adduunka FIFA 2026, kaddib markii lasoo gabagabeeyay kulamadii isreeb-reebka bishii September.
Qaaradda Afrika waxaa tartanka laga reebay 18 dal, oo ay ku jiraan Soomaaliya, Itoobiya, Chad, Congo, Zimbabwe iyo Koonfurta Suudaan.
Dhanka caalamka kalena, dalal badan oo Aasiya iyo Pacific ah ayaa la reebay, sida Vietnam, Yemen, Philippines, Syria, Thailand, Singapore, Samoa, Tonga iyo Tahiti.
Fashilka kooxahan ayaa ka dhigan in rajooyinkooda ka qeybgalka koobka 2026 ay meesha ka baxeen, iyadoo tartanku sii adkaanayo maadaama dalalka haray ay u dagaallamayaan boosaska koobka ugu xiisaha badan kubadda cagta.