Khamiis, 26 Nofembar 2026
Ciyaaraha

Andre Onana oo Si Amaah ah ugu Biiray Trabzonspor

Andre Onana oo Si Amaah ah ugu Biiray Trabzonspor

Goolhayaha reer Cameroon, Andre Onana, ayaa si amaah ah ugu biiray kooxda Turkiga ee Trabzonspor, kadib markii uu dareemay in lagu khasbay inuu ka tago Manchester United.

Onana ayaa wajahaya cadaadis joogto ah tan iyo imaatinkiisa Old Trafford, waxaana qaladaadkii uu sameeyay ciyaartii Grimsby Town ay keeneen in la fadhiisiyo ka hor guushii Burnley.

Imaatinka goolhayaha da’da yar Senne Lammens ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay booskiisa, taasoo ku qasabtay Onana inuu raadsado fursad ciyaar joogto ah oo cusub.