Schmeichel Oo Shaaciyay Jawaabtii Donnarumma Ee Diidmada Manchester United
Halyeeyga Manchester United, Peter Schmeichel, ayaa shaaca ka qaaday wadahadal uu la yeeshay goolhayaha Manchester City, Gianluigi Donnarumma, kaddib guuldarradii 3-0 ee Axaddii ka soo gaartay derbiga Manchester.
Schmeichel ayaa sheegay inuu muddo dheer isku dayayay inuu ku qanciyo goolhayaha reer Talyaani inuu ku biiro United intii uu joogay PSG, isaga oo mar kasta xusuusin jiray in kooxda ay doonayso.
Hase yeeshee, kaddib markii Donnarumma uu kusoo bilowday City ciyaartiisii ugu horreysay tan iyo markii uu £26 milyan kaga yimid PSG xagaagan, Schmeichel ayaa weydiiyay sababta uu doortay City halkii uu ka imaan lahaa United.
Schmeichel ayaa sheegay in Donnarumma uu si fudud ugu jawaabay inuu “aad ugu faraxsan yahay” City, isla markaana uu muujiyay sida uu ugu heellan yahay kooxda, isagoo caawiyay in Pep Guardiola’s ay guul weyn ka gaaraan, goolasha waxaa dhaliyay Phil Foden iyo Erling Haaland (2).