Arbaco, 25 Nofembar 2026
Ciyaaraha

Arteta Oo Rikoor Taariikhi Ah Ka Dhigay Guardiola Kadib Barbardhac Arsenal Iyo Man City

Arteta Oo Rikoor Taariikhi Ah Ka Dhigay Guardiola Kadib Barbardhac Arsenal Iyo Man City

Mikel Arteta ayaa noqday tababaraha kaliya ee aan laga adkaan shan kulan oo xiriir ah marka uu wajaho Pep Guardiola horyaalka Premier League, kadib barbaro 1-1 ah oo ay Arsenal Axadii la gashay Manchester City.

Gool uu waqtigii dhimashada dhaliyay Gabriel Martinelli ayaa kansalay goolkii hore ee Erling Haaland, taasoo Gunners u xaqiijisay hal dhibic garoonkooda Emirates.

Arsenal ayaa 24-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay kooxaha waaweyn ee Premier League guuleysatay 13, barbaro gashay 10, waxaana laga badiyay kaliya hal jeer.

Arteta ayaa sidaas ku galay taariikh, isagoo noqday tababaraha kaliya ee rikoodhkaas ka dhigay Guardiola.