Trump oo QM ku dhaleeceeyay Nabad la’aan iyo dagaall
New York – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisii ugu horreysay ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay Aqalka Cad ku dhaliilay hay’adda QM inay ku guuldareysatay nabadda, balse ay taageerto dagaallo.
Trump waxa uu sheegay in uu xiriir xooggan la sameeyay Sacuudiga iyo dalalka Khaliijka, balse wuxuu ku tilmaamay aqoonsiga dowlad Falastiin inay tahay “abaalmarin” loo siiyay Xamaas. Waxa uu ku booriyay kooxda inay sii daayaan la haystayaasha.
Mar uu ka hadlay Iran, wuxuu sheegay in Tehran loo oggolaan karo inay haysato hub nukliyeer ah, arrin si weyn muran uga dhalisay. Waxa kale oo uu si adag u weeraray siyaasadaha socdaalka, isagoo ku eedeeyay QM inay maalgeliso “weerar” socdaal oo lagu hayo reer galbeedka.
Trump ayaa xusay in dadaalladiisii nabadeed aysan ka miro dhalin laba dagaal oo waaweyn, duullaanka Ruushka ee Ukraine iyo dagaalka Gaza kadib weerarkii Xamaas ee 7-dii Oktoobar 2023’kii.
Sidoo kale wuxuu dhaliilay xulafada Yurub, Shiinaha iyo Hindiya inay weli iibsadaan saliidda Ruushka, isagoo ku hanjabay cunaqabatayn cusub.
Hadalladiisa ugu adkaa wuxuu ku jeediyay socdaalka sharci darrada ah iyo siyaasadda xuduudaha, isagoo yiri: “Wadamadaasu waxay gelayaan cadaabta.”