Andrew Robertson Oo Ka Hadlay Kaadhka Cas Ee Hugo Ekitike Kulankii League Cup-ka
Daafaca Liverpool, Andrew Robertson, ayaa ka hadlay dhacdadii kulankii League Cup-ka ee Reds ay 2-1 kaga adkaadeen Southampton, halkaas oo weeraryahanka Hugo Ekitike looga saaray garoonka kadib laba kaadh oo jaalle ah.
Robertson ayaa sheegay in Ekitike uu hilmaamay kaadhkiisii hore kadib markii uu dabaaldegay gool uu daqiiqaddii 85-aad dhaliyay, isagoo horey jaalle uga qaatay muran iyo kubad kas u tuurid daqiiqaddii 53-aad.
Robertson wuxuu tilmaamay in dhaqanka Ekitike uu ahaa mid xun, balse uu cashar ka baran doono, isla markaana aan la filayn inuu ku celiyo mar kale.
Ekitike ayaa haatan seegi doona kulanka Premier League ee Liverpool ay Sabtida la ciyaari doonto Crystal Palace.