Dowlada ayaa Irdaha guriga Reysulwasaare Hore Rooble kujartay Dhashiikayaal iyo Ciidan tirabadan.
Dowladda oo gaadiid dagaal soo dhigtay baraha korontool ee Mucaaradka guryahooda laga galo, iyo xaalad kacsanaan ah oo taagan, dagaalna isku badali karta.
Sawiradan idiin muuqda oo Mucaaradka aanu ka helnay ayaa muujinaya baraha gaadiidka laga hubiyo ee laga galo air port ka Aadan Cadde oo gaadiid dagaal lasoo dhigay.
Ujeedada dowladda ee gaadiidkan dagaal loosoo dhigay ayaa ah iney lascodaan Mucaaradka iyo hubka u gudbaya ama ay heystaan, waxaana Ciidamo kale oo gaaf wareeg ah la dul dhigay goobaha ay daggan yihiin Mucaaradka iyo halka ugu weyn ee ay ku shiraan.
Ilaa iyo hadda dowlada kama aysan hadlin in ciidamo halkaasi ay geyso
Arrintaan ayaa ku soo aadeyso xili shalay dagaal kooban uu kadhacay saldhiga warta nabadda

