Arbaco, 25 Nofembar 2026
Ciyaaraha

Mainoo Oo Dadaal Ugu Jira Boos Joogto Ah Manchester United, Fursadna Ka Helaya Ganaaxa Casemiro

Mainoo Oo Dadaal Ugu Jira Boos Joogto Ah Manchester United, Fursadna Ka Helaya Ganaaxa Casemiro

Kobbie Mainoo ayaa dadaal xooggan ugu jira inuu boos joogto ah ka helo Manchester United, kaddib markii uu dhibaato kala kulmay tababare Ruben Amorim iyo habka ciyaareed ee 3-4-3.

20-jirkan, oo xilli ciyaareedkii hore soo bandhigay qaab ciyaareed wanaagsan, ayaa sanadkan ku dhibtooday dhaawacyo iyo fursad la’aan, isagoo hal kulan oo kaliya ku soo bilowday — guuldarradii Carabao Cup ee Grimsby Town.

Mainoo ayaa xagaagii isku dayay inuu amaah ku baxo, balse United ayaa diidday. Si uu u muujiyo go’aankiisa, wuxuu shaqaaleysiiyay tababare iyo cunto kariye gaar ah.

Iyadoo Casemiro ganaax ku maqnaan doono kulanka Brentford iyo Manuel Ugarte oo cadaadis saaran yahay, Mainoo ayaa fursad u heli kara inuu safka hore kusoo laabto.

Tababare Amorim ayaa sheegay in booskiisu la mid yahay kan Bruno Fernandes, balse labada ciyaaryahan oo la wada ciyaarsiiyo ayaa loo arkaa xal suurtagal ah.