Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Mucaaradku waxay ku adkaysanayaan bannaanbaxyo ka dhan ah DFS xilli waanwaan socoto.

Mucaaradku waxay ku adkaysanayaan bannaanbaxyo ka dhan ah DFS xilli waanwaan socoto.

Mucaaradka ayaa ku adkaysanaya in la qabto banaanbaxyo ka dhan ah DFS, xilli ay socoto waan waan la doonayo in lagu baajiyo banaanbaxyadaas.


Hotelka Jazeera iyo Guriga Mad, Sh Shariif ayaa waxaa ka socda waan waan laba dhinac ah, tan hotelka Jazeera waxaa hormuud u ah Xildhibaan Dhageey, Senator Dhagdheer iyo Xildhibaan Saabir Shiuriye, halka tan guriga Shiikh Shariif ay wadaan 11 xubnood oo uu horkacayo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo Ibraahin Kaah.

Inkasta oo la isu soo laabanayo 8da fiidnimo ee caawa, haddana labada dhinac waa Dawladda iyo Mucaaradka ayaa midba mid ka kale fariin adag u dirayaa, Mucaaradku waxaa ay ku adkaysanayaan in banaanbuxu dhacayo, dawladduna waxaa ay ku hanjabaysaa in wax banaanbax ah aan la samayn karin.


Mucaaradku waxaa ay haystaan fursad u saamaxaysa in banaanbuxu dhici karo, waayo waxaa ay heli karaan dad xitaa aan taageersanayn iyaga, oo ciil badan ka qaba barakicinta dhulka, halka dawladdu ay ka faa’iidaysan karto culayska dhaqaale ee haysan kara Mucaaradka uu hogaamiuo Sh Shariif.

Hadii waan waantu guuldaraysato, dawladdu waxaa ay bandaw ku soo rogi doontaa qaybaha loo iclaamiyay in banaanbuxu ka dhaco, sida ilo xog ogaal ahi ay sheegayaan.


Banaanbaxyo looga soo horjeedo kuwa ay wadaan mucaaradka ayaa iyagana la filayaa in ay ka dhacaan Muqdisho, sida ay ii sheegeen xubnaha qabanqaabinaya banaanbaxyadaas.