Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Odayaasha Muddulood iyo Mucaaradka oo Shir Jaraa’id Wadajir ah ku Qabtay Muqdisho

Odayaasha Muddulood iyo Mucaaradka oo Shir Jaraa’id Wadajir ah ku Qabtay Muqdisho

Shir jaraa’id oo wadajir ah ayaa haatan ka socda odayaasha dhaqanka beesha Muddulood iyo hoggaanka mucaaradka, iyadoo diiradda lagu saaray xal u helista khilaafka ka taagan bannaanbaxa la qorsheeyay.

Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo xubno kale oo ka tirsan Golaha Samatabixinta ayaa la sheegay in ay ku qanceen dammaanad adag oo ay soo bandhigeen guddi ka socday beesha Muddulood.

Horey ayay isku dayeen xildhibaano iyo senataro isugu jiray in ay ku qanciyaan Sheekh Shariif in bannaanbaxa dib loo dhigo, hase yeeshee dadaalladaasi ma aysan hirgelin.

Haddaba weli waxaa su’aal la iska weydiinayaa in bannaanbaxa dib loo dhigay oo toddobaadka dambe la ballanqaaday uu dhici doono iyo in kale.