Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Madasha Mucaaradka oo Wakiillo u Direysa Nairobi si ay Ula Kulmaan Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland

Madasha Mucaaradka oo Wakiillo u Direysa Nairobi si ay Ula Kulmaan Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland

Madasha Mucaaradka Qaranka ayaa maanta saddex xubnood oo ka tirsan hoggaankeeda u dirtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Wakiilladan ayaa kulan siyaasadeed kula yeelanaya madaxweynaha Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo madaxweynaha Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynayaasha labada maamul goboleed ayaa siyaasad ahaan la saf ah Madasha Mucaaradka, waxaana kulankooda diiradda lagu saaraya xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo qaabka ugu habboon ee loo wajahayo wadaxaajoodka lala geli doono Villa Soomaaliya.

Madasha Mucaaradka ayaa sheegtay in kulankan uu yahay mid muhiim u ah dhisidda aragti mideysan oo ku saabsan mustaqbalka siyaasadda dalka, isla markaana lagu dardar-gelinayo wada-shaqeynta mucaaradka iyo maamul goboleedyada.

“Wada-hadallada Nairobi ka socda waxay ka tarjumayaan baahida loo qabo in cod mideysan iyo qorshe siyaasadeed oo cad lala hortago xaaladda taagan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay Madasha.

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid xoojinaysa isku-xirnaanta siyaasadeed ee mucaaradka iyo maamulada Puntland iyo Jubaland, waxaana laga filayaa in ay saamayn ku yeelato wada-hadallada siyaasadeed ee mustaqbalka Soomaaliya.