Khamiis, 26 Nofembar 2026
Ciyaaraha

Kevin De Bruyne oo diiday inuu khilaaf la leeyahay tababaraha Napoli Antonio Conte

Kevin De Bruyne oo diiday inuu khilaaf la leeyahay tababaraha Napoli Antonio Conte

Xiddiga khadka dhexe ee Napoli, Kevin De Bruyne, ayaa si cad u sheegay inuusan jirin wax khilaaf ah oo kala dhexeeya tababaraha Antonio Conte, kadib warar suuqa toddobaadkii la soo dhaafay ku faafay.

Hadalladan ayaa yimid kaddib markii De Bruyne la beddelay kulankii Serie A ee Napoli ay la ciyaartay AC Milan. Tan iyo markii uu xagaagii ku soo biiray Napoli, De Bruyne wuxuu afarta kulan ka soo bilowday lixdii kulan ee uu ciyaaray, beddelkiisana wuxuu dhalay warar muran ah.

Conte ayaa hore uga digay in uusan dulqaadan karin khilaafaadka fudud. Si kastaba, kulankii ugu dambeeyay De Bruyne wuxuu soo bandhigay ciyaar heer sare ah, isagoo labo gool caawiyey weeraryahanka Rasmus Højlund.

Markii laga weydiiyay dhacdada, De Bruyne wuxuu meesha ka saaray wax dhibaato ah, isagoo yiri:

“Anigu wax dhibaato ah kuma qabo Antonio Conte, gabi ahaanba.”

Waxa uuna intaa ku daray:

“Anigu waxaan ahay ciyaaryahan guuleysta, waxaana doonayaa inaan garoonka wax ku kala beddelo. Laakiin tababaraha wax khilaaf ah igalama dhexeeyo.”