Xavi: Lamine Yamal Wuu Heli Doonaa Ballon d’Or Mustaqbalka
Halyeeyga Barcelona, Xavi Hernandez, ayaa sharaxay sababta Lamine Yamal uu uga maqnaaday abaalmarinta Ballon d’Or 2025, taasoo uu ku guuleystay weeraryahanka Paris Saint-Germain, Ousmane Dembele.
Dembele, oo hore uga ciyaari jiray Barcelona, ayaa qaaday Ballon d’Or-kiisii ugu horreeyay, halka Yamal uu kusoo dhammaaday kaalinta labaad.
Xavi ayaa sheegay in abaalmarinta sannadkan lagu saleeyay guulaha kooxeed, taas oo keentay in Yamal uu seego. Si kastaba, wuxuu ku adkaystay in xiddiga da’da yar uu mustaqbalka heli doono kubbadda dahabka ah, gaar ahaan haddii uu kooxdiisa ku hoggaamiyo guulo waaweyn sida Champions League ama Koobka Adduunka.
“Yamal wuu istaahilahaa, laakiin koobabka ayaa go’aamiyay. Mustaqbalka shaki kuma jiro inuu Ballon d’Or qaadi doono,” ayuu Xavi yiri.