Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Madaxtooyada Soomaaliya oo sheegtay in markale ay wada hadlayaan Madaxweyne Xasan Sheekh & Axmed Madoobe

Madaxtooyada Soomaaliya oo sheegtay in markale ay wada hadlayaan Madaxweyne Xasan Sheekh & Axmed Madoobe

Madaxtooyada Soomaaliya oo xaqiijisay in uu soo gabagaboobay safarkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee Magaalada Kismaayo ayaa sheegtay in kulan kale uu dhexmari doonno Madaxweyne Xasan iyo Axmed Madoobe si loo ambaqaado geedi socodka wadahadalkaan.

Qoraalka Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu u mahadcelinayo Maamulka & Shacabka Jubbaland ee kusoo dhaweeyay Magaalada Kismaayo Gobolka Jubada Hoose.

“Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii uu hoggaaminayey oo maalinimadii shalay soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa maanta waxa u soo gaba-gaboobay wajigii koowaad ee wadahadalladii socday oo laga sameeyay horumar, iyadoo lagu ballamay in wadatashiyadu sii socdaan, dibna la iskugu soo noqdo si loo sii ambaqaado geeddi-socodka wada hadalka” ayaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia.

Ila kala duwan ayaa sheegay in wadahadalka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland la isku mari waayay qodobo labadaan mas’uul ay kala wateen, waxaana lagu ballamay in dib la isugu soo laabto.