Khamiis, 26 Nofembar 2026
Ciyaaraha

Premier League: Todobaadkii 7-aad oo xiiso badan

Premier League: Todobaadkii 7-aad oo xiiso badan

Todobaadkii 7-aad ee Premier League ayaa la soo afjaray, iyadoo kooxo waaweyn ay soo bandhigeen qaab ciyaareedyo kala duwan.

Arsenal ayaa garaacday West Ham, waxayna si rasmi ah ula wareegtay hogaanka horyaalka.

Liverpool ayaa guuldarro kala kulantay Chelsea kulan ka dhacay Stamford Bridge.

Manchester United ayaa guul ka gaartay Sunderland, taas oo ka saaciday inay ka baxaan natiijooyinkii xumaa ee hore.

Manchester City ayaa ka badiyay Brentford, halka Tottenham ay ka badisay Leeds United.

Sida ay soo saartay BBC Sport, shaxda ugu fiican ee toddobaadkan waxaa ugu xiddigo badan Arsenal (3 ciyaaryahan), waxaana ku xiga Man United iyo Bournemouth oo min laba ciyaaryahan ku leh. Kooxaha Crystal Palace, Chelsea, Aston Villa iyo Man City ayaa min hal ciyaaryahan ku leh shaxda.