Alessandro Nesta Oo Magacaabay Daafaca Ugu Fiican Adduunka.
Halyeeyga reer Talyaani Alessandro Nesta ayaa ku tilmaamay daafaca Liverpool, Virgil van Dijk, inuu yahay daafaca ugu wanaagsan adduunka.
Nesta ayaa sheegay in Van Dijk uu sanado badan joogteeyay heer ciyaareed sare tan iyo markii uu Liverpool kaga soo biiray Southampton sanadkii 2017, isagoo haatan weli udub dhexaad u ah qorshaha tababare Arne Slot.
“Aniga ahaan, haatan Van Dijk ayaa ah kan ugu fiican,” ayuu yiri Nesta. “Sanad walba wuxuu ciyaaraa heer isku mid ah, wuxuuna ka ciyaaraa Premier League-ka, oo ah horyaalka ugu adag adduunka.”
Nesta, oo hore ugu caan baxay difaaca adag ee xulka Talyaaniga iyo AC Milan, ayaa ammaanay sida uu Van Dijk u joogteeyay qaab ciyaareed heer caalami ah xilli ciyaareed kasta.