Madaxweynaha Soomaaliya oo Qaabilay Xildhibaannada Cusub ee Soomaaliya ku Metelaya Baarlamaanka Bariga Afrika
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xarunta Madaxtooyada ku qaabilay xubnaha cusub ee Soomaaliya ku metelaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).
Madaxweynaha ayaa ku ammaanay xubnaha cusub dedaalkooda iyo xilka culus ee ay u qabteen shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in ay dusha u riteen masuuliyad qaran oo muhiim ah oo lagu difaacayo danaha iyo aragtida Soomaaliya ee ku aaddan iskaashiga dhaqaale iyo wax wada qabsiga dalalka Bariga Afrika.
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku boorriyay xildhibaanada in ay muujiyaan hoggaan, xirfad iyo wadaniyad sare, isla markaana ay si dhab ah ugu adeegaan danaha shacabka Soomaaliyeed.
“Waxaan idin kula dardaarmayaa in codka iyo mowqifka Soomaaliya uu si muuqda uga dhex muuqdo Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika, si loo xoojiyo kaalinta dalkayaga ee gobolka,” ayuu yiri Madaxweynaha.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xoojinayo doorka dalka ee Iskaashiga Bariga Afrika, kadib markii Soomaaliya si rasmi ah uga mid noqotay ururka EAC.